Maxkamada Gobolka Hawd oo Xukuno ku Riday Denbiilayaal lagu Soo Qabtay Maandooriyaha Khamriga
Balli Gubadle 24.Feb 2014 (SDN)- Maxkamadda gobolka Hawd ayaa maanta xukun ku riday laba danbiile oo lagu qabtay iyagoo dalka soo galinaya Maandooriye.
Fadhi ay maanta yeelatay maxkamadda gobolka Hawd ayaa xukuno ku riday laba danbiile oo dalka soo galinayaay Maandooriye kuwaasoo ciidamadda booliisku hawd ay ku soo qabteen iyagoo danbigaas faraha kula jira islamarkaa ku sugnaa meel u dhaxaysa dagmooyinka Sayla iyo Bali cabane, waxaanay maxakamaddu ku xukuntay labadaasi eedaysane midkiiba sedex sano oo xadhig ah iyo sedex milayan oo Somaliland shilin ah oo ganaax ah.
Masuuliyiint maxkamadda ayaa xukunka ka dib meel fagaare ah ku gubtay maandooriyihii oo ahaa nooca loo yaqaano khamriga waxaana intaasi ka dib halkaasi ka hadlay masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee gobolka , badhasaab ku xigeenka gobolka hawd Md Khadar Xasan Xirsi oo ka hadlay halkaasi ayaa taliyaha ciidanka booliiska Somaliland ka codsaday in uu gobolka usoo kordhiyo ciidamada booliiska ee ka hawl gala maadaama gobolku uu ku yaalo xuduuda kulmisa wadamada Somaliland iyo itoobiya islmarkaa loo baahan yahay in la adkeeyo dhaqdhaqaaqa isu socodka bulshada isaga gudbaysa labada dal.
Taliyaha qeybta booliiska gobolka hawd gaashaanle Jamaal cabdi shugux oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay bulshada gobolka iyo ciidamada booliiska oo ku guulaysatay in ay dalka iyo dadkaba ka qabtaan maandooriyahaa lasoo galinaayaay waxaanu ku dardaaray in ay halkaasi ay kasii wadaan dadaalka.
Gabagabadii waxa halkaasi hadalo la xidhiidha hawlaha amnaanka kasoo jeediyay maayirka degmada bali gubadle Md Cabdi Iimaan Jaamac iyo taliyaha ciidanka asluubta gobolka kabtan jihaad
Bali Gubadle SDN.
Qurbejoog.com