|

Gudoomiyihii ugu horeeyay ee Urur siyaasadeedkii Xaqsaoor,ayaa Been abuur ku tilmaamay warar laga baahiyay,Qurbejoog ka Daawo Beenintiisa

Hargeysa Feb 24,2014(SDN)-Gudoomiyihii ugu horeeyay ee Urur siyaasadeedkii ku hadhay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee Xaqsoor,kana mid ah garabkii ku Biiray Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye,Md. Axmed-nuur Aw Cabdi Shaacir,ayaa been abuur ku tilmaamay warar warbaahinta qaar keed lagu qoray oo sheegaya in meel banana lagaga dhaqaaqay. Xisbiga Kulmiya-na uu ka baxay heshiiskii hore ee ay wada galeen.waxaana uu qeybaha kala duwan ee waraaabihinta u soo jeediayay inay umadda waxa sax oo xaqiiqda ku fadhiya u gudbiyaan.waxaana intaas raciyay in Heshiiskii ay Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ay lagaleen aanu jirin wax iska badalay.

ShaacirMudane,Shaacir isaga oo arimahaasi ka hadlaya waxa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaana doonayaa inaan maanta halkan kaga hadlo warar ay jaraa’idka qaarkii ay baahiyeen oo ay ku sheegayaan in kulmiye Xaqsoor cidla kaga dhaqaaqay.carabtu waxay tidhaahdaa iyaga oo ka hadlaya in aanay Beentu meelna qofka gaadhsiinahayn “Beentu hadii ay ku qadaysiiso,kuma cashaysiiso”.

Isaga oo ka hadlaya sida uu haatan yahay xidhiidhka ka dhexeeye Garabkii uu hogaaminayay ee Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor Iyo Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay “ Xaqsoor iyo Xisbiga Kulmiye,way isku biireen.sidii baanay isku biirsan yihiin oo ay u midaysanyihiin.wixii ay kala qorteen ee heshiis iyo wax kalaba ahaana sidii bay u jiraan oo loogu camal falayaa”.

Isaga oo warbaahinta la hadlaya ayaa waxa uu u soo jeediyay inay wax sax ah qoraan oo umadda wixii run ah u baahiyaan.taas oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonto Sumacadda ay Bulshadda ay u adeegayaan ay ku dhex leeyihiin.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed