|

Maxkamadaha Somaliland oo la Daalaa- dhacaya Dhagaysiga Kiisaska Argagixiso iyo Hoos u dhac ku Yimid Shaqo Maalmeedkii kale ee Maxkamadaha

Hargaysa 24.Feb 2014 (SDN)- Dhagaysiga Dacwadaha Argagixisnimada ayaa saamayn xoogan ku yeeshay hawl maalmeedka shaqo ee maxkamadaha hoose ee Gobolka, Rafcaanka iyo Degmadda, waxaana inta badan dhacda maalmaha dacwadahaasi jiraan in Garsoorayaasha kale iyo kiisaska ay hayaanba la fasaxo.
Maxkamada HargaysaAgagaarka Maxkamadaha ayaa la xidhaa, waxaana amaanka la wareega Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee la yidhaahdo RRU-da.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo bilihii ugu danbeeyey qaadaysay kiisas lagu xidhiidhinayey Argagixisnimo ayaa toddobaadka go’aamo ka soo saartay lixdii qof ee ugu horeeyey ee lagu Eedaynayey danbiyadaasi.
Lixda Xubnood ee Maxkamaddu Dacwadooda soo af-jartay ayey afar ka mid ahi ka tirsanaayeen Hay’adda Sirdoonka Qaranka, halka labada kale ay ahaayeen dad shicib ah, waxaanay xorriyadoodii u celisay afarta ka tirsanaa Sirdoonka oo ay go’aamisay in danbi lagu waayey.
Xubnaha Sirdoonka ka tirsana aee la sii daayey waxa ay kala yhiin Maxamed Ibraahim Salaad, Naasir Muuse Yuusuf, Naasir Xasan Ibraahim iyo Khadar Daahir Jaamac
Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay xukuno shan sano iyo toban sano ah ku riday labada eedaysane ee kale, kuwaas oo ay sheegtay cadaymaha Maxkamadda la hor keenay in ay yihiin kuwo muujinaya Danbiga loo haystay oo ay ku eedaysnaayeen.
Xubanaha ay xukuntayna waxay kala yihiin C/samad Xuseen Cabdi oo toban sano ay ku xukuntay iyo Axmed Ibraahim Axmed Dar-maan oo shan sano ah.
Dhinaca kale, Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa bilowday dhagaysiga dacwada koox kale oo lagu eedaynayo Argagixisnimo, kuwaas oo laga soo qabtay dhawaan magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer.

Talaabooyinkan isku soo beegmay ee dhagaysiga Dacwadaha Argagixisada ayaa ku soo beegmaya xillia cabsi weyni ka taagan tahay Ololaha Amisom iyo Dawladda Somaliya ku doonayaan in ay ku qabsadaan deegaamada ay ka taliyaan, taasoo sababi karta in ay saamayn karto deegaamo nabdoonaa kuwaas oo ay Kooxda Al-shabaab ku fidin doonto Dagaalkooda.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed