|

Madaxweyne C.weli Gaas iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya oo Addis Ababa Kulan ku Yeeshay

Addis Ababa 24.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa qoraal uusoo dhigay bogga xiriirka bulshada ee Facebook ku sheegay inuu Axaddii shalay magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Gaas-iyo-Tedros-300x234Tedros Adhanom ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay sii wadi doonto xiriirka iyo taageerada ay u fidiso maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay u qalanto nabad, midnimo iyo horumar.

Wasiirka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka Jimcihii Al-Shabaab ay ku qaadday xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, taasoo uu ku sheegay inay calaamad u tahay in kooxdu ay quus taagan tahay.

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed