Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo,ayaa si weyn u soo dhaweeyay Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland
Hargeysa Feb 24,2014(SDN)-Xog-hayaha Gudiga arimaha Bulshada Golaha Guurtida,ahna ku-simaha Gudoomiyaha Gudidaasi mudane,Siciid Maxamed Libaaxo,ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Shabakadda Qurba-joogta kaga waramay arimo dhawr ah oo dhinaca arimaha Bulashada ah sida:
caafimaadka,waxbarashada iyo biyaha.waxaanu si gaar ah u soo dhaweeyay Sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland ee dhawaan Madaxweynaha JSL,uu daah-furay.waxana uu sheegay xildhibaanku in arintaasi ay wax weyn ka tari doonto in dhalinyaradda la jiheeyo oo wax muuqda loo qabto,isaga oo u soo jeediyay dhamaan bulshadda qeybeheeda kala duwan sida: Ganasatada iyo Haayadaha caalamiga ah iyo kuwa Dawliga ahba inay wax ku biiriyaan Sanduuqaa oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga yagleelo wadanka intii ay Somaliland jirtay.
mar aanu weydiinay arimaha Bulashadda bal waxa ilaa hadda uga qabsoomay ayaa waxa uu sheegay inay arimaha bulashaddu yihiin meelaha ugu mudan ee laga qiimeeyo hadba Horumarka ama dibu dhaca bulsho leedahay.waxaana uu tilaamay inay haatan wadaan xog-ururin badan oo ay la yeelanayaan Wasaaradaha iyo Haayahada ay khusayso,isaga oo rajo fiican ka muujiyay in wixii loo gaadho sannadka 2015-ka ay Hargaysi hesho Biyo ku filan.
dhinaca kale, waxa uu Xildhibaanku soo jeediyay in wax laga qabto Nadaafadda Magaalada,isaga oo sheegay inay muhiim tahay in gacmo wada jira wax lagaga qabto Dhawrida Fayadhawrka Magaaladda oo aan cidna lagu Halayn.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com