Muxuu Daarran Yahay Safarka Kediska ah ee Madaxweyne Gaas ku joogo Addis Ababa?
Garowe:24-Feb-2014(SDN)- Booqashada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu Ku Tegay Dalka Ethiopia ayaa laga Bixiyey Darreeno kala Duwan oo la Xidhiidha Ujeeddada Rasmiga ah ee ay Xambaarsan tahay.
Madaxweyne Gaas Oo Muddo Kooban talada Maamulkaas Hayey, ayaa si Lama Filaan ah ku Tegay Magaalada Addisa Ababa, waxana Booqashadiisani ay ahayd mid aan la sii shaacinin oo Kedis ahayd, iyadoo taasina dhalisay In shacabku siyaabo kala Duwan u Turjuntaan Booqashadaas.
Wararka qaarkood ayaa Sheegaya in Ra’isal wasaaraha Ethiopia uu Casuumad toos ah u sameeyey Madaxweyne Gaas, isagoo Kala Hadli doona Arrimo Xaasaasi ah oo Maamulkaasi Muddo ku soo Dhaqmayey oo aanay Ethiopia Jeclaysanin.
Arrimaha Ethiopia Dhibsatay ee Madaxweynaha Loogu Yeedhay, ayaa wax aka mid ah inay Si Degdeg ah u Hagaajiyaan Xidhiidhka ay la leeyihiin Dawladda Federalka ah ee Somalia oo in muddo ahba Faquuq siyaasadeed Dhexdooda yaallay.
Arrintan Degdegga ah ayaa ka Dhalatay ka dib safar Gaaban oo Ra’isalwasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh uu kula Kulmay Ra’isal wasaaraha Ethiopia, kaas oo la Sheegay inuu uga Ashkatooday Puntland inaanay diyaar u ahayn inay La Shaqayso Dawladda Federalka ah oo la Doonayo inay Dagaallo la Gasho Alshabaab.
Ra’isal wasaaraha Ethiopia ayaa la Sheegayaa inuu Dhiggiisa Somalia xilligaas u ballan qaaday inuu Puntland ka Dhamayn Doono wixii dhinaceeda ku Xidhan ee la Xidhiidha inay xidhiidh Haboon la Samayso Somalia, taas oo u muuqata in Haatan Uu Kala Hadlayo Madaxweyne Gaas.
Dawladda Ethiopia ayaa Sanadihii ugu dambaysay Si Weyn ugu Lug lahayd Arrimaha Somaalida, waxana ay Haatan Ciidamo TIro badan oo ay leedahay ay ku Dartay Kuwa AMISOM ee Somalia ka Dagaalama, waxana Haatan ka Go’an inay Maamullada kala Duwan ee Somalia ka Jira ku Khasabto inay Galaan dedaal midaysan oo wax lagaga Qabanayo Amnidarrada ka Taagan Somalia.
Xidhiidhka Dawladda Federalka ah ee Somalia iyo Maamulka Puntland, ayaa Xumaaday xilligii uu Madaxweyne Faroole xukunka Hayey, waxase wali aan halkiisii ka soo Debcinin Madaxweyne Gaas oo mar soo ahaa Ra’isal wasaaraha Dawladda Federalka Somalia, isagoo aan wali u muuqanin inuu ka Guurayo Mawqifkii uu hore u istaagay Faroole.
Madaxweyne Gaas ayaa Kulamo Magaalada Addis Ababa kula Qaadanaya Ra’isalwasaaraha Ethiopia, waxana la Filayaa inuu Halkaas kala Yimaaddo Go’aan uu la Soo Qaato Madaxda Ethiopia, balse lama Filayo in Shacabka iyo Warbaahinta loo Sheego waxa laga soo Wada Hadlay, maadaama aanay Ethiopia Jeclayn in la Shaaciyo Danaha ay ka dhex Wadato Dhinacyada Maamullada Somalida oo ay ka dhex Kalluumaysato.
S.D.N