Xildhibaan Xasan cawaale Caynaan uga digay dhinyarada khatarta Tahriibta
Hargeysa Feb 24,2014(SDN)-XildhibaanXasan cawaale Caynaan oo ka tirsan Golaha wakiiiladda JSL,ayaa dhalinyaradda uga tigay Tahriib iyo Mukhaadaraat-ka kala gadisan.waxaana Xilbaanka oo maanta ka Hadlayay Xafalad ay ku bahoobayeen 21 Kooxoo oo kubada cagta ah kuna tirsan Degmadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargaysa,ayaa waxa uu dhalinta u hogatusaaleeyay inay maanta iyagu yihiin kuwa dalka u hadhaya.waxaana uu sheegay in markii dalka lagu soo noqday waxa walba ay baa’a ahayeen. maantana la wada arkayo heerka aynu marayno.
Waxa uu sheegay in Iskuulada lagu fadhiisan jiray Daasaddo,macalinkuna aanu soo quraacan jirin hadana xaaladaa lagu wada qanacsanaa.guryahan iyo fooqyadan aanay jirin.waxa uu tilmaamay in dhamaan arimahaas lagaga soo gudbay adkaysi iyo samir. maantana taasoo kale looga fadhiyo dhalinta dalka ee u hanqal taagaya dalal shisheeye. Xil.Caynaan,ayaa dhalinta ugu laab-qaboojiyay in haddii ay dalka u samraan oo dalkooda tabcadaan,iyaga loo soo dahriibi doono.
Waxaana uu ugu baaqay waalidiinta iyo dhamaanba cid kasta oo ubadka masuul ka ihiba inay xil weyn iska saaraan wacyi-galinta dhalinyarada iyo in lagu jiheeyo Sport-ga.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com