|

Ruushka oo soo gunaanadey Olympic-gii ugu kharashka badaanaa ebid

Sochi Feb 24,2014(SDN)-Ruushka ayaa lagu soo guaanaday ciyaarihii Olympic-ga qaboobaha ee dunida ugu kharashka badanaa intii ciyaarahani la qabatay,ciyaaraha ayaa dalkaa ka socday 17kii cisho ee u danbeeyay.

Sochi oo ah magaalo dhaqaalo xumo awgeed uu ka muuqday dib u dhac balaaran diyaargaroogii martigelinta ka hor ayaa haatan waxa ay noqotay mid dunida dacaladeeda laga yaqaano.

Sidoo kale Ruushka ayaa waxa ay diyaargaroowga ciyaarahan ku kharashgareeyeen lacagtii ugu badaneyd oo lagu sheegay $51 Billion dollar oo aad uga badan $40kii Billion ee Shiinuhu ku marti geliyeen Olompic-gii xagaaga.

Ciyaarahan ayaa afarsano ka dib waxa martigelin doona dalka Koonfur Kuuriya waxaana la filayaa in dalkaasi uu isna kharash ka Ruushka ka badan uu galo.

Ruushka ayaa inkasta oo uu soo bandhigay horumarka uu gaaray intii ka danbeysay kolkii dalkaasi uu qaatay nidaamka Dimuqraadiyada,hadana waxa aan u suurtogelin in siyasada dalkaasi uu caalamka ka iibiyo.

Si kastaba ha ahaatee Ruushka ayaa ciyaaraha martigeliyay tiyoo aaney dhicin falal ka dhan ah amaanka goobaha tartanadu ka socdeen,waxaana warbaahintu aad u hadal heysay suurtigalnimada weeraro argegixiso.

Ruushka ayaa haatan ka mid noqonaya dalalka sida wanaagsan u soo bandhigay ciyaaraha Olympic-ga intii ciyaarahan ay jireen.

SDN-Sochi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed