Madaxweynihii Ukraine oo baxsaday iyo dalkaaso oo galay xaalad cakiran
Kiev Feb 24,2014(SDN)-Madaxweynihii hore ee dalka Ukraine Victor Yanukovych ayaan ilaaiyo haatan la garaneyn halka uu tegay ka dib qalalaase siyaasadeed oo dalkaasi qarka u saaray dagaalo sokeeye.
Baarlamaanka dalkaas ayaa xilkii madaxweynaha ku wareejiyay madaxweyne KMG ah oo dalkaasi ka hirgelin doona doorashooyin xor ah oo dhaci doona bisha May ee ina heysa 25keeda.
Shacabka dalkaas oo doonaya in ay ku biiraan midawga Yurub ayaa madaxweynuhu ka soo horjeestay isla markaana uu xiriir dhaw la sameyay dalka Ruushka.
Haweeneyda ugu cadcad mucaaridka ee Yulia Tymoshenko ayaa baaq u jeedisay siyaasiyiinta dalkaas oo bilaabay in ay dalka ka dhoofaan.
“Siyaasiyiinta dalku waa in ay hubiyaan in dalku aanu geli qalalaase ee la gaarsiiyaa isbedel dhalin kara dawlad wanaag.”ayay tiri Yuri Tymoshenko oo ilmeyneysa.
Mayekanka ayaa geesta kale hadal ay soo saareen waxa ay dawlada Ruusha uga digeen farogelin ciidan oo ay ku sameeyaan dalka Ukraine.
SDN-Kiev
contact@somalidiasporanews.com