Ra’isalwasaarihii Hore Ee Somalia Oo Sawir Shacabka Soo Jiitay Ka Gudbiyey Madaxwne Xasan Sheekh
Muqdisho:24-Feb-2014 (SDN)-Siyaasadda Somalida ayaa Haatan U Muuqata mid u Gudubtay Dhinaca Warbaahinta Bulshadu KU Xidhiidho ee Face-book-ga Loo Yaqaanno, waxana Haatan Sawirkii ugu Hadal Haynta Badnaa ee Ku Saabsan Madaxweyne Xasan Sheekh Soo Dhigay Ra’isal Wasaarihii Hore ee Somalia Mr Saacid Shirdoon.
Ra’isal Wasaare Saacid oo Muddo ka HOr loo Beddelay Muran Soo Kala Dhex Galay isaga iyo Madaxweynaha, isla-markaana aan wali Ka Dhex Bixin Dhinaca Dhacdooyinka Somalia ka Socda, ayaa Soo Dhigay Boggiisa Face-book-ga Sawir aanu Wax Qoraal ah Raacin oo Muujinaya Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Farxad ku Jira Xilli Agtiisa Looga Ooyayey Dadkii ku Naafwaayey Weerarkii Villa Somalia.
Sawirka Ra’isal wasaarihii Hore soo Dhigay ayaa la Qaaday Daqiiqadihii lagu Jirey Aaska Dadkii ku Geeriyooday Masiibadii Madaxtooyada oo aanu Madaxweynuhu ka Qaybgelin balse Saacid uu Goob Jooge ka Ahaa.
Sawirkan oo ay Bulshada Somalida ahi si weyn u Hadal hayaan ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu Kaga Qayb gelayey Munaasibad loo Samaynayey Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxana Goobta Hadhaysay Farxad iyo Sawaxan lagu Muujinayey Guulaha ay Ciidanka Asluubtu Gaadheen.
Ra’isal wasaaraha ayaan Sawirka raacinin wax Qoraal ah, balse waxa muuqata inuu ula Jeedo sidii uu shacabka u Tusi lahaa Madaxweynihii oo iska Faraxsan xilli agtiisa laga Barooranayo oo lagu Aasayo Dad Difaaciisa u Geeriyooday.
Shacabka ayaa Sawirkan si weyn u Daalacanaya, waxana ay Hadal Hayaan Sababta Keentay inuu Madaxweynuhu sidaas u farxo, maadaama Dalka laga Murugoonayey Xilligaas.
S.D.N