“Dawladaha jaarkana waanu ka wada shaqaynayaa dhanka sirdoonka iyo xog is-dhaafsiga” Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland
Hargaysa 23.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa sheegay in maanta aanay Somaliland marayn xilli loo baqdo isla markaana ay dal ahaan isugu filan tahay oo ay tahay Qaran dhamaystiran oo leh dhamaan hayadii difaac iyo amni ee Qaran u baahnaa.
Waxaa kaloo uu sheegay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Somaliland Cadami in Arrintii KULMIYE ay meel wanaagsan ku dhamaatay iyo is-afgarad isla markaana aan marka horeba wax weyn la isku hayn.
Axmed Xaaji Cali Cadami Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland,waxaa kaloo uu intaa ku daray in xilligan ay ciidanka Qaranka Somaliland ay yihiin heegan buuxa isla markaana ay ku jiraan xaaladdii ugu wanaagsanayd ee ay soo maraan intii Somaliland ay jirtay.
Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.
“Somaliland maanta ma joogto maalin loo baqdo dhan kastana way iskaga filan tahay hadday ciidan qaran tahay iyo hadday hay,addo amni noqotaba markaa xilli dadka cabsi la galiyo ma joogno, waxaa la yidhi marka ay wax dhacaan ayay dadku yara baqaan oo sas qaadaan,markaa qoladaa Xamar waxa ku dhacay waan ka tacsiyaynaynaa,annaguna waanu ka feejigannahay oo hoogan ayaan ku jirnaa, waxaanan kuu sheegayaa in Somaliland maanta ciidankeedu uu joogo meel aanu hore u gaadhin,xidhan yahayna dhar aanu hore u xidhan leeyahayna niyad aanu hore u lahayn,markaa dalkani wuu feejigan yahay shicib iyo dawladba,waa suura gali in la yidhaahdo nimankii shar wadayaasha ahaa way kala yaaceen oo meel ay ku baxsadaan ayay raadinayaan laakiin Somaliland dalkeeda heegan yayay ugu jirtaa dawladaha jaarkana waanu ka wada shaqaynayaa dhanka sirdoonka iyo xog is-dhaafsiga markaa ma joogno maalin loo baqdo Somaliland.”
Wasiir Cadami oo la weydiiyay waxay kaga hor tegayaan kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay ku jirto xaalad kala yaac ah isla markaana ay suura gal tahay inay isku dayaan inay Somaliland soo galaan,ayaa ku jawaabay.
“Horta hadday nimankaa aad sheegaysaa kala yaacaan meel kasta wey isku dayayaan inay u cararaan laakiin Somaliland dalkeeda way sugtay ammaankiisa isla markaana hayadaha sirdoonkuna shaqadoodii way haystaan oo looga war wari maayo,ciidankii Qarankuna waa heegan booliskiina sidoo kale,intaaba waxaa dheer waxaa wada shaqaynaya oo mar walba wada shaqaynaya dadweynaha oo dhankooda heegan kaga jira iyo ciiddammada kala duwan,mana jirto wax baqdin ah oo naga haysa in dadka reer Somaliland lagu dhex dhuuman karo.”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo u warramayay Wariye ka tirsan shabakada Wararka ee Gudgudenews.
Waxaa kaloo Wasiir Cadami wax laga weydiiyay Khilaafkii Xisbi Xaakimka KULMIYE iyo waxay ku soo dhammeeyeen,waxaanu ku jawaabay.
“Arrinta KULMIYE marka horeba wax weyn may ahayn oo xoog la iskuma hayn waxaana lagu kala gadisnaa uun sida hawsha loo wadayo,taasina wey iska soo dhamaatay oo gudigii uu Madaxwynuhu u saaray waxaanu soo saarray qodobo ay dhammaantood ku wada qanceen labadii dhinacba taasoo xalay aanu kulan ugu wada qabanay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynahana aanu ku soo sharafnay inuu nala joogo oo uu goob joog ka ahaa,qodobadii aanu soo saarnayna labada dhinacba way nala qaateen oo inyarna nagumay diidin,waxaana goob joog ka wada ahaa hormuudkii labada dhinac oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Xisbiga,si wanaagsanna wey noogu dhamaatay,kolay marka is faham yimaaddana Quraan akhris ayaa lagu soo khatimaa iyo duco,waxaana loo balan san yahay in hawlaha xisbiga wada jir loogu guntado oo laga wada shaqeeyo maalinta Isniintana waxaa jirta casuumad weyn oo laga wada qayb gelaayo oo ka dhici doonta Maansoor iyo in laga wada hadlo sidii Xisbiga arrimihiisa looga wada shaqayn lahaa.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com