|

Wasiirka Warfaafinta ee Dawlada Federaalka Somalia oo Maanta soo Gaadhay Magaalada Muqdisho

Muqdisho 23.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali (Dhuxulow) ayaa maanta ku laabtay magaalada Muqdisho, kaddib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalal ku yaalla Bariga Afrika.

Golaha-wasiirradaWasiirka oo la hadlay warbaahinta markii uu Muqdisho tagay ayaa sheegay in wasaaraddu ay heshiisyo la gashay wasaaradaha warfaafinta ee dalalka Ethiopia iyo Djibouti.

Wasiirka warfaafinta Ethiopia ayuu tilmaamay inay kala saxiixdeen heshiis ay labada dal isaga kaashanayaan horumarinta warbaahinta, tababarrada shaqaalaha, wada-shaqaynta laamaha wasaaradda, dhaqanka iyo kuwo kale.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in sidoo kale dhiggiisa Djibouti ay kala saxiixdeen heshiis hordhac ah oo ku aaddan horumarinta iyo iskaashiga warbaahinta labada dal, kaas oo la dhamaaystiri doono dhowaan.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed