|

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Shacabka Muqdisho kala Qayb galay Banaan Bax ka Dhan ah Alshabaab

Muqdisho 23.Feb 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah ka qeyb-galay dibadbax lagu taageerayay nabadda, loogana soo hor-jeeday falalka kooxda Al-Shabaab ay ku carqaladeyneyso nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Cabdiweli-Sheekh-bannaanbax-300x199Dibadbaxa oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha iyo ururrada haweenka ee gobolka Banaadir ayaa lagu muujinayay in weerarrada ay geysaneyso Al-Shabaab aanay wax ka beddeleyn go’aanka dadka Soomaalida ay ku doonayaan nabadda iyo horumarka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha.

“Waxaad muujiseen geesinimo iyo sida aad diyaar ugu tihiin inaad iska difaacdaan argagaxisada bahalka ah ee doonaya inay damiyaan iftiinka nabadda,” ayuu yiri raysul wasaare Cabdiweli Sheekh oo ka hadlayay dibadbaxa.

Cabdiweli Sheekh ayaa ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed inay horseed ka noqdaan is-beddelka iyo halganka.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku baaqday in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad-diidka ah.

“Haweenka Soomaaliyeed wax cabsi ah kama qabaan dhimashada, nafta ayay u hurayaan dalkooda si loo helo nabad buuxda, loona soo celiyo karaamadii ummmadda Soomaaliyeed,” ayay tiri Khadiija.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed