Dowladda Federaalka Somalia oo guddi u saartay baaritaankii weerarkii Villa Somalia
Muqdisho 23.Feb 2014 (SDN)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa ka dooday arrimaha amniga waddanka gaar ahaan qaraxii lagu weeraray aqalka madaxtooyada Villa Somalia.
Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay saxaafadda kulanka kaddib ayaa sheegay in golaha wasiirradu uu isla gartay in la magacaabo guddi heer wasiirro ah oo soo baara weerarkii ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, si shacabka loogu soo bandhigo sida ay wax u dhaceen iyo meelaha uu gaabisku ka jiro iyo in adduunka lala socodsiiyo sida ay tahay xaaladda dhabta ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradaha gaashaandhigga iyo amniga qaranka iyo dhammaan hay’adaha amniga ee hoos taga la faray in ay jawaab adag ka bixiyaan falkii ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa tilmaamay in goluhu ay sidoo kale go’aansadeen in laga billaabo Axadda maanta dhammaan golaha wasiirradu ay u howl galaan sidii loo abaabuli lahaa bulshooyinka ku nool gobollada iyo degmooyinka ku jira gacanta dowladda, iyada oo laga billaabayo degmooyinka magaalada Muqdisho, si shacabka loo fahamsiiyo xuquuqda ay u leeyihiin in waddankooda ay si xor ah ugu noolaadaan iyo in ay iska dhiciyaan dhibaatada ay ku hayso kooxda Al-shabaab.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com