|

Hogaamiyaha Xisbiga NDP ee dalka Canada oooo booqday Gobolka QanigaShidaalka ku ah ee Alberta

Fort McMurray Feb 23,2014(SDN)-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Canada ee NDP Thomas J. Montclair ayaa booqasho ku marayay todobaadkan Gobolka Shidaalka Qaniga ku ah ee Alberta.

Guddoomiyaha oo la kulmayay bulshada Gobolka qeybeheeda kala duwan ayaa u kuur gelayay xaalada nololeed ee Gobolka ka jirta.

NDP Leader Thomas Monclai iyo Tafatiraha qurbejoog.com

NDP Leader Thomas Monclai iyo Tafatiraha qurbejoog.com

Gobolka Alberta oo soo saarida shidaalka caan ku ah ayaa hadan waxa ka jira dhibaatooyin bulsho.

Waxaana ugu horeeya mashaakilaadkasi dhinaca guriyeenta,sicirka iyo shaqaalaha dalka dibediisa looga soo daad gureeyo mushaharooyinka cad qudheedka ah.

Thomas Monclair oo nooga waramay safafkiisa ayaa sheegay in uu ku saleysan yahay dhegeysiga xaaladaha shacabka Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee kulamadan uu hogaamiyaha xisbiga NDP ee Canada la yeelanayay reer Alberta ayaaney Soomaali faro badani ka muuqan.

SDN-Fort McMurray

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed