|

Maxkamad Masar ku taal oo ooda ka rogtay askar shicib faro badan laayay

Qahira Feb 23,2013(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Masar ayaa xabsiga ka sii deysay askar booliisa oo xasuuq u geystay dad dibed baxayaal ahaa sanadii 2011kii.

Askartan booliiska ayaa oo tiradoodu tahay lix ruux ayaa lagu aadeeyay in ay xasuuqeen 83 ruux oo ka qeybqaadanayay kacdoonkii lagu riday madaxweyne Xusni mubaarik.

Ciidamda ayaa dadkan ku laayaay kacdoono 18 cisho socdey oo mubaarik lagu riday isla markaana ka dhacayay magaalada Alexandria.

Shacabka reer Masar ayaa la yaab ku soo dhaweeyay xukunkan maxkamadu ooda uga qaaday ragan gacan ku dhiigleyaasha ah.

Xukunkan ayaa la riday xili madaxweynihii u horeeyay ee Masar cod lagu doorto uu xabsiga ugu jiro in uu amray dad dibed baxayaal ah iyo in uu xabsiga ka baxsaday kolkii ay dhacday dawladii Maxamed Xusni Mubaarik.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed