Biyo La’aan Daran Oo Soo Foodsaartay Shacabka Ku Dhaqan Degmada Badhan Iyo Foostada Biyaha ah Oo Gaadhay $12
Badhan:23-Feb-2014(SDN)- Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag waxaa Ka Taagan Harraad Daran oo Aafeeyey Dad iyo Duunyo wixii Halkaas ku Noolaa.
Harraadkan ayaa ka Dhashay Roobabkii Dayrta ee Deegaanada Dalka oo Dhan ka Da’ay oo Halkaas ku Yaraa, waxana Haatan Guud ahaanba Gabaabsi ah amaba Dhammaaday Goobihii Biyaha laga Dhaansan jirey ee Halkaasi ku Yaallay.
Maayar-ku-xigeenka Degmada Badhan Cawil Maxamuud Jaamac oo Warbaahinta la Hadlay, ayaa Sheegay in ay Deegaanadaas ka Taagan Tahay Xaalad Biyo La’aaneed oo aad u darani, waxana uu Xusay in Haatan Foostada Biyaha ahi ay Gaadhay illaa iyo $12(Laba iyo Toban doolar), isagoo Gurmad ka Dalbaday Xukuumadda Somaliland.
Maayar-ku-Xigeenka ayaa Sheegay in Dadkii Deegaanka aan tahli Karayn inay Lacagta intaas le’eg Biyo Ku Iibsadaan ay Halis ugu jiraan inay Harraad u geeriyoodaan, waxana uu yidhi, “ Deegaanadan wax aka Taagan Harraad Daran oo Dadkii iyo Duunyadiiba Saamayn weyn ku Yeeshay Foostadii Biyaha ahayd waxa ay ka mareysaa Badhan $12 (Laba
iyo Toban Dollar),haraad ba’an oo qeyral caadi ah ayaa soo waajahay deegaanka miyi iyo magaalaba,Ceelashii xooluhu ka cabi jireena way go’een meel kale oo laga cabi jireyna way go’aday,waxa imika laga soo dhaansadaa meel 36-KM u jirta Badhan oo berkado ah,halkaasna dadkii ayaa maalintii Khamiista ee aynu soo dhaafnay isku laayey oo ay isku dhaawaceen,waxaana isku dilay laba nin oo toori iyo budhadh isla dhacay waxa la geeyey Cusbitaalka Badhan oo lagu daweynayaa”.
Maayar Ku Xigeenka Degmad Badhan, ayaa Sidoo Kale Hoosta ka Xarriiqay inaanay Xaaladdaas Haatan Taagani Ahayn mid loo Sii Adkaysan Karo, isagoo Xukuumadda Cod dheer ugu Sheegay inay Dadkaas Harraadan Biyo Dhaamis la Gaadho.
Badhan ayaa Noqotay Degmaddii ugu Horraysay Ee Somaliland ah ee Biyo La’aan Dadka Noloshooda Halis ku Haysa Laga Soo Sheego, waxana Haatan Dawladda Laga Sugayaa Tallaabada ay Qaaddo sidii ay u Badbaadin lahayd Nolosha Dadkaas Harraadka La Il daran.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com