Khilaafkii Xisbiga Kulmiye oo Caawa Lagu Soo Khatimay Madaxtooyada
Hargaysa 22.Feb 2014 (SDN)- Dhinacyadii xisbiga talada haya ee Kulmiye ee muddooyinkii u dambeeyay khilaafku ka dhexeeyay ayaa caawa soo afjaray khilaafkaasi isla-markaana xal kama dambays ah ka gaadhay.
Dhinacyada xisbiga Kulmiye oo maanta ilaa caawa kulan ku lahaa aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa xal kama dambays ah ka gaadhay khilaafkii mudada kala fogeeyay, waxaana lagu heshiiyey xisbiga Kulmiye mid yahay isla-markaana mabaa’diida guud ee xisbigaasi tahay mid meel kaliya ka duulaysa.
Kulankan oo shir-guddoominayeen guddidii khilaaf saarka ee Madaxwaynuhu u saaray ayaa markii laga heshiiyey wixii tabashooyin ahaa ee dhinacyadu kala sheeganayeen, waxa halkaasi ka hadlay isla-markaana sheegay inay ku qanacsan yihiin heshiiskaasi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxayna labadooduba soo dhaweeyeen heshiiska laga gaadhay khilaafkii xisbiga.
Gabogabadii kulankan ayaa waxa isaguna khudbad muhiim ah ka jeediyay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu farxad ka muujiyey heshiiska laga gaadhay khilaafkan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com