|

Wasaarada Waxbarashada oo ka Hadashay Xaalada Dugsigii Caanka ahaa ee Dayaxa iyo Qorshaha uga Meel yaal

Hargaysa 22.Feb 2014 (SDN)- Wasiirul-dawlaha Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md Axmed Nuur Faahiye ayaa maanta ka warbixiyey xaaladda waxbarasho ee Guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, gaar ahaan Gobolada bari oo uu dhowaan Wasiirul-dawluhu socdaal ku soo maray.

 

Wasiirul-dawlaha-waxbarashadaMd faahiye waxa uu sheegay in waxbarashadu ka taabbo gashay deegaanada Somaliland, rajo weyna laga qabo inay sanadka 2015 wada gaadho 75% dadkii waxbarashada u baahnaa gudaha Somaliland

Isagoo ka hadlayey habka fidinta waxbarashada waxa uu sheegay in gobolada waaweyn ee Somaliland gaar ahaan gobolada Sanaag iyo Maroodijeex loo kala qaaday labo qaybood oo bari iyo galbeed ah.

 

Wasiirul dawlahu waxa uu sheegay in si weyn loo ballaadhiyey waxbarashadii ka socotay dalka isagoo tusaale u soo qaatay in Degmada Oodweyne oo keliya ay hoos yimaadaan ilaa lixdan school oo shaqeeya, isagoo ballanqaaday in waxyaabaha weli dhiman la dhamaystiri doono, baahiyaha jirana la dabooli doono. Qorshayaashana ay ku jirto in school Boodhan ah laga yagleeli doono gobolada Bari ee dalka, dib u habayna lagu samayn doono dugsigii taariikhiga ahaa ee DAYAXA oo ku yaalla duleedka Magaalada ceerigaabo.

 

Dhanka kalena wasiirul dawlaha wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md Axmed Nuur faahiye waxa uu uga mahadceliyey  dhamaan ardayda wax ka barata  guud ahaan dugsiyada iyo jaamacadaha JSL sida ay uga qayb qaadanayaan mashaariicda horumarineed ee dalka gaar .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed