Madaxweynaha Puntland oo oo ka qeyb-galay kulan dhaqaale loogu ururinayo dib u dhiska buundada Sunni-jiif
Garowe 22.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan dhaqaale ururin ah kula yeeshay magaalada Garoowe culumaa’uddiin iyo ganacsato.
Kulanka ayaa looga hadlayey sidii dhaqaale loogu ururin lahaa dhismaha buundada deegaanka Sunni-jiif ee gobolka Nugaal, halkaasoo dhowaan dhismo laga billaabay.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday ganacsatada iyo culumada in ay qaataan doorkooda ka aaddan sidii gacan looga geysan lahaa dhismaha buundada oo uu sheegay in dhismaheeda ay muhiim u tahay gobolka.
Ganacsatada ayaa ballan-qaaday in ay qeyb ka qaadan doonaan dhismaha buundada.
Buundada Sunijiif waxaa burburiyey duufaantii dabayaaqadii sanadkii hore ku dhufatay deegaanno ka tirsan Puntland.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com