|

Qarax ka Dhacay Magaalada Kismaayo Sadex ku Dhaawacmay iyo Hal ku Geeriyooday

Kismaayo 22.Feb 2014 (SDN)- Sadex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay hal qofna Waa uu ku Geeriyooday qarax miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

KismaayoQaraxa ayaa ka dhacay waddo marta xaafadda Faanoole, waxaana lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Warku Waxa uu Intaas  ku darayaa inuusan jirin wax khasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray qaraxa.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed