|

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gudida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada oo Xal Ka Gaadhay Muran ka Taagnaa Shaqaale ay qaadanayeen

Hargaysa 22.Feb 2014 (SDN)- Xildhibaan xasan cawaale caynaan  oo ah Gudoomiyaha  Guddi hoosaadka Guddida arrimaha Bulshada ee Golaha wakiilada s/land ayaa maanta ka warbixinaayey kulan dhexmaray wasiirka wasaarada arrmaha Gudaha iyo Gudoomiyaha hay-adda shaqaalaha dowladda .

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaankulankan oo ku saabsanaa sidii imtixaan looga qaadi lahaa shaqaalaha ay qaadanayso wasaaradda arrimaha Guduhu ayaa xildhibaan xasan cawaale caynaan oo kulankaasi ka warbixinaayey uu  sheegay in tiradii imtixaanka soo xaraysatay ay kor  u dhaaftay shan kun oo qof, waxaana tiradii loo baahnaa  ku soo baxay  saddex kun iyo lix boqol oo qof,islamarkaa  ay kawada hadleen qaabkii looga qadi lahaa imtixaanka ,

 

waxaanu xildhibaanku sheegay in ay  isla qaateen in labo qaybood laga kala dhigo shaqaalaha imtixaanka laga qaadaayo, maadaama dadka soo xeraysatay codsiyada shaqadu ay yihiin kuwo ka baxay jaamacaddo iyo kuwao aqoontoodu ay ku joogto dugsiyo sare, waxaana dadka imtaxaanka soo codsaday  shuruudo lagaga dhigay inay keenaan shahaadadooda oo original ah ka hor imtixaaanka intaan la galin.

 

Geesta kale wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancadde oo kula hadlay xarunta hay-adda shaqaalaha dowladda dhexdeeda  muwaadiniinta  imtixaanka  u fadhiisan doona ayaa sheegay  inay ka go-an tahay in  imtixaankaasi uu  si caddaalad  ah u dhaco.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed