|

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Boqor Buur Madow oo ka Dhawaajiyay Ifaafaale Muujinaya in Doorashadu dib u dhacayso

Hargaysa 22.Feb 2014 (SDN)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) oo ka tirsan Xisbiga Wadani, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysala Cali Waraabe iyo wasiirka Arrimaha gudaha ayaa maalmo isku dhaw oo toddbaadkan ah midba xaflad ka sheegay hadal muujinaya in dib u dhici karto Doorahada Madaxtinimada ee qoondaysnay 2015-ka.

buurmadoow iyo FaysalBoqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo si dadba Guddoomiyhiisa ugu quus goynaya ayaa sheegay in Doorashada Madaxtinimadu dib u dhacayso oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo Miiska u saaran tahay muddo kordhin uu ku doonayo in wakhtigiisa loogu daro si uu Doorasho u qaban qaabiyo, waxaanu isagoo hadal lab qaboojin ah ku duraya usoo jeediyey in aanu ka didin ee uu u samro.

“ Somaliland Xeer bay leedahay Madaxweynaha hada jooga kordhintiisii baa diyaar ah baan isleeyahay, intaa yar awaynu samri karaynaa oo waynu u da’yar nahay, oo guddoomiye waxaan leeyahay haddii Doorasho timaado waan hubaa in Wadani helayo” ayuu yidhi isagoo ka hadlaya xaflad Guddoomiye Cirro ku maamuusayey Suldaan Madar Maxamed Ducaale.

Sidoo kale, marka laga yimaado hadalka Boqorka waxa isna saadaal la mid ah taas toddobaadkan sheegay in ay muuqato Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey munaasibad qaar ka tirsan Saxaafadda Abaal marino lagu guddoonisiinayey, waxaanu si dadba u sheegay in ay ogol yihiin Dawlad wadaag ah in sadexda Xisbi samaystaan haddii Doorashada Madaxtinimadu dib u dhacdo.

“ hadaanu nahay Mucaaradka marna aqbali mayno korodhsiimo danbe oo cid loo sameeyo, waxaanu leenahay haddii ay timaado waa in Dawlad wadaag ah dalka loo dhisaa oo Doorasho gaadhsiisa, taas uun bay ku suurtogeli kartaa korodhsiimo” ayuu yidhi

Labada Masuul ee sidaas u hadlay waa boqor Buurmadaw iyo Faysal Cali Waraabe oo kala matalayey Axsaabta Mucaaradka a, waxaana muuqat ifafaalaha u muuqda ee biyo kama dhibcaanka ahi in ay tahay saan saan doorashada Madaxtinimadu dib ugu dhici karto, maadaama ay arkayaan sida ay wax usocdaan, taasoo la odhan karo waxa jira wax ay hoos u ogyihiin.

Hadaba dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye isla marakaana kaalin wayn wasaaradiisu ku leedahay hawlaha Doorashooyinku ku qabsoomi lahaayeen ayaa walaac ka muujiyey mid ka mid ah oo ah Arrinta Diiwaangelinta oo Mucaarad iyo Muxaafid ba la isku raacay la’aanteed in aan Doorasho Dalka laga qaban doonin.

Wasiir Warancade oo xaflad uu warbaahinta kaga waaninayey qorista Wararka qabyaaladaysan isla marakaana ka dalbanayey in ay kala shaqeeyaan hawlaha Diiwaangelinta Madaniga ah ayaa kulankaas si adag uga sheegay in Diiwaangelintii Cod-bixiyayaasha Mugdi badani ku jiro, isagoo si toos ah ugu Eedeeyey Hay’addaha Qaadhaan bixiyayaasha Reer Galbeedka ee inaga taageeray Diiwaangelintii hore ee khasaartay iyo Doorashooyinkii Dalka ka qabsoomayba.

Cali warancade waxa uu si toos ah ugu cadeeyey warbaahinta in dhawr jeer khubarada Reer Yurub kaga baxeen balamo ay la galeen, imikana aanay isku halayn karayn kuwo danbe oo ay qabsadeen, balse waxa uu sheegay Xukuumad ahaan in ay ku tashadeen Diiwangelinta Madaniga ah in ay gaar u samaystaan isla markaana ay ka dhur-sugaan ta Cod-bixiyayaasha ee ay qaadhaan-bixiyayaashu balanqaadeen.

Si kasta ha ahaatee hadaladan sadexdan masuul oo kala metelaya sadexda Xisbia Qaran waxaad moodaa in ay isla waafaqsan yihiin carqalada hortaala xiligan oo Doorashadii ay ka hadhay wakhti aan la dhamaystiri Karin qabyada hor taala.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed