|

UNHCR oo sheegay in Kismaayo,Baydhabo iyo Luuq ay yihiin magaalooyonka lagu celin karo Qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool

Nairobi Feb 22,2014(SDN)-Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa shaacisay in sadex degaan oo ku yaal Koonfurta Soomaaliya lagu celin karo Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.

UNHCR ayaa sidaa ka sheegtay shirsaxaafada ay ugu qabteen magaalada Nairobi baaritaan dheer ka dib.

“Baaritaano ay wadajir u sameeyeen dhinacyo kala duwan oo daneeya xaalada Qaxootiga Soomaalida Kenya ku nool  waxa la iskula qaatay in magaalooyinka Kismaayo,Luuq iyo Baydhabo in ay ka jirto degenaansho ilaa xad la isku haleyn karo,isla markaana loogu celin karo Qaxootiga Soomaalida ee Kenya”sidaa waxa yiri Raouf Mazou oo ka tirsan UNHCR.

Mazou ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gebi ahaanba Qaxootiga noqonaya ay yihiin qaar iyagu iskood u doonaya in ay dalkooda ugu noqdaan.

Soomaali tiradooda lagu sheegay ilaa 100,000 ayaa ilaa iyo haatan isaga yimi xeryaha Qaxootiga ee ku yaal dalka Kenya.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed