|

Hooyo ka mid aheyd 12,000 ee dhawaanta laga soo mustaafiyay Sucuudiga oo Duyuurada ku dhex umushay iyo tacadi loo geystay intii ay xabsiga ku jirtay

Muqdisho Feb 22,2014(SDN)-Dawlada Arxanka daran ee Suudiga ayaa dhawaan xabsiga ku gurtay ka dibna soo mustaafurisay Soomaali 12,000 ahaa oo ay ka mid aheyd Hooyo Soomaaliyeed oo sadex caruur ah heystay isla markaana laheyd uur Sagaal bilood ah.

Sida ay shaacisay hay’ada u dooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch Musaafuriskan ka dhanka ah shuruucda Caalemiga ayaa waxa uu si gaar ah u taabtay hooyo Soomaaliyeed .

Ciidamada Amaanka ee dalka Sucuudiga ayaa qabtay oo xabsiga ku hayay Hooyo Soomaaliyeed oo ka mid aheyd dadkii tirada badnaa ee dhawaanta laga soo tarxiilay Sucuudiga.

Hooyadan Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo gaabiyay Sacdiyo ayaa ka mid aheyd dumarka ka shaqeeya aqalada Sucuudiga intii aan la qaban.

Ka dib kolkii la qabtayna iyada oo aan lala socodsiin Odeygii qabay ayaa iyada ilmo sadex jir ah oo lala qabtay waxa loo soo mustaafuriyay Soomaaliya.

“Intii aanu duyuurada sugeynay ayuu wiil aan dhalay oo  sadex jir ahi bilaabay in uu ciyaaro,ka dibna naag ka mid aheyd ciidamada booliiska Sucuudiga ayaa bud madaxa xagiisa danbe iiga dhufatay” Sacidyo ayaa HR u sheegtay.

Markii Duyuurada ay soo raacdayna xanuunkii usha lagu dhuftay waxa ay isu bedeshay fool,waxaaney Sacdiyo ku umushay duyuurada dhexdeeda.

Sacdiyo ayaanu Odeygeeda oo Sucuudiga jooga isna la qabtay oo dhawaan la soo mustaafurin doonaa.

“Waxaan weli dareemayaa xanuunka budkii la igu dhuftay,welina wax dawo ah maan helin,aniga iyo ilmaheyga yarna shalay ayaa dhakhtar noogu horeysay si mandheerta looga nadiifiyo”ayay Nadiifo tiri mar kale.

Dawlada Caalamka ayaa gebi ahaantood masuuliyad ka saaran tahay megen-gelyada dadka muhaajiriinta ah ee ka baxsanaya colaadaha in ay gacan qabtaan.

Sucuudiga oo dal muslim ahna masuuliyad gaar ah ayaa ka saaran in ay samata bixiso Muslimiinta dalkoda miciinka bida.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed