|

Kuwa Shakiga Gelinaya Waddada Ceerigaabo, Indhahooda Ayay Ku Arki Inay Been ama Run Sheegayaan” Maareeyaha Hay’ada Horumarinta Wadooyinka

Hargaysa 21.Feb 2014 (SDN)- Maareeyaha Wakaaladda  Horumarinta Waddooyinka Somaliland Profeesor Xasan Cali Cismaan,  ayaa ka warramay qorsheyaasha iyo waxyaabaha u hirglayay sannadkii u dambeeyay, waxaanu si adag u naqdiyay cidda tashuushka ku furaysa dhismaha waddada isku xidhaysa Ceerigaabo iyo Burco.

MAAREEYAHA WADOOYINKA“Wakaaladda ama haayadda horumarinta waddooyinka Somaliland, run ahaantii sannadkii u dambeeyay waxa ay  qorsheysay inay qabato shaqooyin aad iyo aad u badan. Waxaana ugu muhiimsan in ay wakaalad ahaan dhisanto oo ay lugaheeda isku taagto, waanay hirgashay. Alle ayaa mahad leh, waxa ay qabatay mashaariic badan oo ay ugu muhiimsan tahay waddada isku xidha Wajaale iyo Kalabaydh oo hadda gebagebo ku dhow, dhammaystirka qaybtii ka hadhsanaynd waddada isku xidha Dila iyo Boorama oo iyaduna toddobaadkan dhammaad ah haddii Alle idmo.Waddada Hargeysa illaa Berbera oo dayac-tir lagu sameeyay illaa 120 KM, oo sii soconaysa illaa Sheekh iyo waddooyin kale oo badan. Qaar qorshaha ku jira iyo qaar gacanta lagu hayaana way jiraan,”ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta wadooyinku.

Profeesor Xasan Cali Cismaan isaga oo ka jawaabaya suaal ahayd sida ay uga go’an tahay dhismaha waddada Ceerigaabo waxa uu yidhi “Mudnaanta ugu weyn ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka leedahay waddooyinku waa waddada isku xidhaysa Ceerigaabo iyo Burco, waana hammi ka soo go’ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Marka laga bilaabo Ina Af-madoobe waa 280 KM. Hirgelinta waddadan ayaa aad iyo aad u socota. Dadkii shakiga gelinayay in waddada la dhisayo ama aan wax la qaban karin ama moodayay in xoolo la urursanayo, iyaga ayaa indhahooda ku arki haddii Alle idmo. Odhan maynno waa beentiin, ee iyagu ha is-yidhaahdaan beenalayaal ayaad tihiin. Qofku ha qirto isagu, laakiin annagu ku tilmaami maynno in aanay run sheegaynnin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Maareeyaha Wakaaladda  Worumarinta Waddooyinka Somaliland Profeesor Xasan Cali Cismaan waxa uu yidhi “Isha ayaa macallin ah, waxa weeye wixii la arko ayay indhuhu rumaystaan. Waa i taabsii aan rumaystee, waa dayaxaa cad. Waddada Ceerigaabana waxa aan aaminsanahay shakhsi ahaan in ay ku dhammaanayso muddadii loogu talo-galay bi’idnillahi. Waddooyin kale oo badan oo qorshaha ku jiraana way bilaabmayaan, waanay dhammaanayaan haddii Alle idmo. Wakaalad ahaan waxa aanu ku taamaynnaa in la dhammeeyo waddo dhan 8000 KM, hammigani waa mid ka go’an Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aanu wakaalad ahaan hoos-tagno, imakana nin haweysanaya 8000 KM lama odhan karo ma dhammayn kartid 200 KM. Waa la samayn karaa, la hirgelin karaa. Sidaa loo bilaabay ayaana loo dhammaystirayaa insha Allah”.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed