“Cadowgu ma gaari doono bar-tilmaameedkiisa” Madaxweynaha Somalia Xasan Sh.Maxamud
Muqdisho 21.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in cadowga aanay gaari doonin waxa ay bar-tilmaameedsanayaan, kaddib weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada dalka.
War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in weerarrada la midka ah kii maanta aanay hor istaagi doonin dedaallada dowladda ay ku dooneyso inay ku soo celiso xasilloonidii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in cadowga la marin habaabiyay ay kaliya maalmo kooban warbaahinta saarnaan doonaan, dowladduna ay sii wadi doonto dib u dhiska Soomaaliya kaddib in ka badan labaatan sano oo dagaallo .
Wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarka oo uu qaarkood sheegay inay dibadda uga yimaadeen inay naftooda u huraan in Soomaaliya ay isbeddesho, dalkuna uu cagahiisa isku taago.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballan-qaaday in dowladda ay wax badan ka qaban doonto amniga guud ee dalka.
Dhowr iyo toban qof ayaa ku dhimatay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com