Warabixin Lagu Shaaciyey Xafiisyo Qarsoon Oo Sirdoonka Ethiopia Ku Leeyihiin Magaalooyin Somalia iyo Somaliland kuYaalla Iyo Shaqada ay Hayaan
21-Feb-2014(SDN)-Warbixin dheer oo Xafiisk Xuquuqda Aadamiga u qaabilsan Afrika Daabacay, ayaa Daaha Lagaga Rogay Tacaddiyo Qarsoon iyo Daba gal Sirdoonka Ethiopia ku Hayaan Xubnaha ka Tirsan Dadka Deegaanka Ogaadeenia.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ethiopia ee Sirdoonka ahi ay Xafiisyo Qarsoodi ah ku leeihiin Goobo Qarsoon oo ku Yaalla Meelaha ay Dadkaasi inta Badan Naftooda ula cararaan eek u dhaw dalka Ethiopia.
Sidoo kale waxa warbixntan cusub lagu sheegay in Sirdoonka Dalka Ethiopia muddooyinkii ugu dambeeyey Dardar geliyeen Sirdoonkooda ku dhaqan Dalalka Kenya, Djibouti, Somalia, Somaliland iyo Puntland.
Waxa kale oo ay Warbixintu Daaha ka Rogtay in Dawladda Djibouti ay Sirdoonka Ethiopia ku Dhiirrigelisay inay Qabqabtaan oo Baadhaan Dad Qaxooti ah oo Dalkeeda ku Nool, iyagoo Ku Sheegay inay Dadkaasi ka mid yihiin Ururka ONLF.
Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay 3-sargaal oo laga afduubay magaalada Nairobi oo loo gacan galiyay Sirdoonka Itoobiya,Nimankaasi oo magacyadooda lagu sheegay Sulub Axmed Iyo Ali Hussein oo labudba saraakiil ONLF ka tirsanaa oo wadahadal kula jiray dawlada Itoobiya balse la afduubay loona talaabiyay dalka Itoobiya.
Warbxinta ayaa sidoo kale xustay 3-nin oo lagu qabtay magaalada Guriceel ee badhtamaha Somaliya loona gacan galiyay ciidama Liyuu Booliiska Itoobiya dadkaasi oo warbxintu sheegtay in ay ahaayeen dad qaxooti ah oo Ogaadeen ah dhakhtarna u joogay dhulkaasi.
Warbxinta African Watch ayaa sheegtay in Sirdoonka Itoobiya si xishood lahayn amar usiiyaan Booliiska Somaliland,Puntland Iyo Kismaayo isla markaana amra in shaqsiga ay rabaan gacanta usoo galiyaan, Waxana ay Warbixintu Daaha ka Qaadday In Dhammaanba Ciidanka Sirdoonka Ehiopia ay Xafiisyo Qarsoodi ah ku Leeyihiin, Hargeysa, Berbera, Bosaso, Galkacyo, Muqdisho ,Baidoba, Baladwayne iyo Kismaayo.
Xafiisyadani ayay warbxintu sheegtay in ay ugaadhsi ku hayaan dadka Ogaadeenka ah oo looga shakiyo in ay ka tirsan yihiin ONLF.
Dawladda Ethiopia ayaa caan ku ah Ugaadhsiga Dadka Ogaadeenka ah ee looga Shakiyo inay Gacan-saar la Leeyihiin Kooxda ONLF oo Dagaal kula Jirta Ehiopia, waxase aan si Muuqata loo ogayn Xafiisyadan ay Haatan Hay’addani sheegtay inay Ku Leeyihiin Magaalooyinka Ku Yaalla Somalia, Somaliland, Puntland.Jubba Land iyo Meelo Kale oo Badan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com