|

Dawlada Itoobiya oo soo dhaweysay Mucaaridka Jabuuti iyo kulan ay ku yeesheen Jabuuti

Jabuti Feb 2014(SDN)-Dawlada Itoobiya ayaa markii u horeysay ku dhiiratay in ay xiriir la sameyso dalada gebi ahaanba ay ku bahoobeen axsaabta mucaaridka Jamhuuriyada Jabuuti ee USN xili la filayo in wadahadalo ay dhexmaraan USN iyo madaxtooyada Jabuuti.

Safaarada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Jabuti ayaa waxa ay martigelisay masuuliyiinta dalada mucaaridka Jabuuti ee USN.

Kulanka labada dhex maray oo aan saxaafada loo ogoleyn ayaa waxa ilo ku dhaw dhaw USN ay noo xaqiijiyeen in dawlada Itoobiya haatan dooneyso in ay xiriir la yeelato dalada USN.

Kulanka safaarada itooibya ay ku yeesheen labada dhan ayaa ku soo beegmaya xili Madaxtooyada Jabuuti ay dhawaan dalb ahaa in wadahadaladii mucaaridka iyo xukuumada Jabuuit dib loo furo uu ka yimi.

Mucaaridka Jabuuti ayaa haatan leh yididiilo isbedel dimuqradiyadeed oo dalka ka hir gala dhawaan.

USN ayaa dhawaan sidoo kale garab ka heshay midawga Yurub oo xukuumada Jabuuti ku wergeliyay in la dar dargeliyo xal u helida xiisada siyaasadeed ee dalka si ay u sii daayaan mashaariicda ay doonayaan in ay ka fuliyaan Jabuti.

Waxa haatan ay mucaaridku u gudbiyeen Madaxtooyada Jabuti qodobada ay doonayaan in ay kala xaajoodaan xukuumada.

Dawlada iyo dalada Mucaaridka Jabuti ee USN ayaan ka hadal weli qodobadii ay iskula soo qaadeen kulankoodii dhacay todobaadkii hore.

SDN-Jabuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed