|

Sarkaal Mudo dhawr Bilood ah Xukuumada Somaliland u Xidhnaa oo iyadoon la Maxkamadayn la sii daayay

Hargaysa 20.Feb 2014 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa shalay sii deysay hogaankii Caafimaadka ee Ciidanka Booliiska Somaliland Gaashaanle Xukuumadda Somaliland ayaa shalay sii deysay hogaankii Caafimaadka ee Ciidanka Booliiska Somaliland Dr: Maxamed Cali Oday, kaasoo muddo dhawr bilood ah u xidhnaa weerarkii lala beegsaday Mujaahid Maxamed Kaahin.

odayLama oga sii daynta Dr: Oday, laakiin waxa lagu war helay uun isagoo shalay duhurkii xorriyadiisii loo soo celiyey, iyada oo aan la hor geyn Maxkamad balse ku xidhnaa Taliska Guud ee Ciidanka Birmadka Booliiska.

Dr: Oday ayaa la qabtay maalintii Mujaahid Maxamed Kaahin lagu weeraray Hotelka Lake Asal ee ku yaala xaafadda shacabka xiligaas oo uu Dhakhtarkuna ku sugnaa goobta falku ka dhacay, iyadoo lagu eedeeyey in Qorigii loola baxay Mujaahid Maxamed Kaahin ee dhicisoobay uu u gacan galiyey nimankii sitay oo ay isku qoys ahaayeen kadib markii laga qabtay in ay Toogtaan.

Dr: Oday oo wakhtigaas Hotelka ku sugnaa ayaa lala xidhay Oday Xaashi Muuse Xuseen oo isna ay isku qoys yihiin balse markii danbe Damiin lagu sii daayey, halka ay wali ka maqan yihiin raggii Mujaahidka soo weeraray, oo illaa hada loo hayo Maxamed Yuusuf Mooge (Maxamed Buur) iyo nin kale oo ay walaalo yihiin raga baxsaday.

Xadhiga Odayaasha la xidh xidhay ee qaarkood la soo daayey ayaa u muuqday mid siyaasadaysnaa maadaama oo ay ahaayeen Odayaal ay siyaasadda isaga soo horjeedeena Madaxada Xisbiga Kulmiye gaar ahaan Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi  oo ay isku qoys hoose yihiin Ragga weerarka sameeyey iyo Odayaasha la xidh xidhayba.

Si kasta ha ahaatee dhacdada lagu weeraray Mujaahid Maxamed Kaahin waxay ahayd mid Fool xun oo dadweynuhu ka murugoodeen iyadoo maalmahaas ay ku beegnayd weeraro kale oo siyaasadaysnaa oo aan illaa hada iyana sida kiiskan oo kale la maxkamadayn dadkii ku kucay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed