Kormeer Kedis ah oo Madaxweyne Siilaanyo Goor dhawayd ku Soo Maray Goobo ka Mid ah Caasimada
Hargaysa 20.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd isaga oo Lugaynaya isla markaana hareero yaacayaan Raxan ka tirsan Wasiiraddiisa iyo masuuliyiin kale socod ku maray jidka wadnaha ee Madaxtooyadda hor mara, waxaanu kormeeray dhismaha jidka wadnaha oo socda.
Madaxweyne Siilaanyo oo illaa gurigiisii hore Lug ku tagay ayaa waxa soo dhaweeyey Mulkiilaha Shirkadda China Horn Group C/risaaq Cumaani kaasoo ku sugnaa goobta ay shaqadu ku socotay oo ahayd gooladda looga laabo shacabka dhinaca Jigjiga yar oo ay marayso dhismaha jidka wadnaha ah ee Hargeysa.
Maayarka Caasimada Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa si wadajir ah Madaxweynaha warbixin uga siiyey dhismaha jidka wadnaha iyo kuwa kale ee caasaimadda waxaanay sheegeen marka ay illaa buurta kala jeexan gaadhsiiyaan ee dhinaca Galbeed ee hargeysa in ay kuwa kale sida ay u kala muhiimsan yihiin ugu xigsiin doonaan, iyagoo sheegay Mulkiilaha Shirkadda China Horn Group inuu u fududeeyo kolba sidii ay kharashka ugu helaan in ay usiiyaan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyey goobta shaqadu ka socotay ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dawladda Hoose ee hargeysa dedaalka ay galiyeen Jidka wadnaha iyo kuwa kale ee ay imika qorshahooda wadaan, waxaanu kula dar daarmay in ay laban laabaan hawsha jidadka oo uu sheegay in ay bulshada iyo Qarankaba muhiim u yihiin.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com