|

Madaxweyne Siilaanyo Hogaamiye Daawade ka ah Khilaafaad Amni daro Sababi Kara oo Dalkiisa ka Taagan {Faalada Shabakada Qurbejoog.com}

Hargaysa 17.Feb 2014 (SDN)- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Saylada Siyaasada Somaliland ku badan dhawaqa Tilmaamaya Khilaaf Xoogan oo ka dhex qarxay Aqalka Wakiilada,Kaas oo kala Qaybiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyadoo ay Qadiyadan Bud dhigeedu yahay Wax ka bedel lagu sameeyay Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada,Isla markaana uu Xeer hoosaadkan Cusubi Hoos u dhigay awoodii labada Gudoomiye ku Xigeen ee Golahaasi,Taasina Sababtay kala duwanaanshaha aragtiyaha Xubnihii Shirgudoonka Markii hore wada ahaa,oo ka Gaws qabsaday Aqbalaada Xeer hoosaadkan.

Siilaanyo iyo yaabWaxay Markii kowaad bannaanka soo dhigtay Khilaafka ka dhex taagan Xisbul Xaakimka Kulmiye oo Tahli kari waayay Qabsashada Shirweynihiisii Sadexaad oo dhawr Jeer dib loo dhigay ilaa iyo haatana Kalsooni Buuxda aan lagu Qabin inuu ku dhacayo Xiliga danbe ee loo asteeyay,Iyadoo Aragtiyaha u dhuun daloola Xaaladaha Huursan ee Xisbiga Kulmiye ay Sheegayaan In Daawadiisa laga Baadi Goobayo Golaha Wakiilada .

Marka loo dhabo galo Xaqiiqooyinka Sababay in Golaha Wakiiladu uu Cod Aqlabiyad ah ku Meel Mariyo Xeer hoosaadkan Muranka badani ka Taagan yahay ,Waa in la Garawsadaa in Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ay Horseed ka ahaayeen Ansixinta Xeer hoosaadkan iyagoo damacsanaa inay Labada Gudoomiye Xigeen ku soo Oogaan Maamuus ka Xayuubin ay u Cuskanayeen in Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed inay u hogaansami waayeen Qaraaradii Golaha ka soo baxay sida Isku shaandhayntii Gudi Hoosaadyada Golaha iyagoo Dacwad ka dhan ah Amuurtaas u gudbiyay Maxkamada Sare ee Distooriga ah,oo ilaa iyo haatan Gacanta Ku Haysa Banbo Siyaaasadeed.

Inkasta oo Goluhu uu ka Madax bannaan yahay Waaxda Sharci Fulinta iyo Garsoorkaba Isla markaana ay Waajib tahay inuu ku dhaqmo Distoorka iyo Xeer hoosaadyadooda kuna kala baxaan Cod, Hadana Indhaha lagama Lalin karo Faro gelin ay Xukuumadu ku Yeelatay Go’aamadii Golaha taasina ay Tahay ta Xudun Xidhka u ah Kala Qaybsanaanta Golaha oo dhantaalay Hawlihii uu Qaranku ka Sugayay .

Khilaafku Sidiisaba waxaa lagu Macneeyaa Sunnaha Nolosha,balse Dal ahaan,iyo dhaqan ahaanba Waxay Somaliland heerka ay Haatan taagan tahay ku soo gaadhay Isu tanaasul,iyo in loo dhego Nuglaado Go’aan kasta oo Xal u Noqda Muran Sharci iyo Mid Siyaasi oo dalka ka Dhaca .

Ka sakow Ergada is Xilqaamay ee Golaha Guurtida ee uu Hogaaminayo Odayga Caanka ah uguna da’a Weyn Somaliland Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe ee soo kala dhex galay Labada Garab ee uu u kala Jabay Golihii Wakiilada ee Mudada Sideeda Sannadood ah soo Wada Shaqaynayay,Waxaa Muuqata in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo inuu Gacmaha ka laabtay Khilaafka Cakiran Saamayntana ku Yeelanaya amniga dalka ee ka Jira Qasriga uu ka arrimiyo iyo Aqalka Wakiilada ee dhawrka boqol ee Talaabo u Jira Isla markaana uu keeni Waayay Xal lagu Furdaamiyo Murankan oo hadii uu sii socdo abuuri kara dhibaato amni .

Ma difaacayno Gudoomiye C.raxmaan Cirro umana Hadlayno labadiisa ku Xigeen iyo Mudanayaasha Golahaasi Waxaynu u hiilinaynaa Danta Qaranka oo Wax walba ka Weyn.

Marka dib loo Milicsado Is fahmi waaga marar door ah soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa Waxaa isu soo dhawayntooda ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Ku Xigeenadiisa isla Markaana isugu Keenay Miiska Wada hadalka kuna dhameeyay Tabashadii Jirtay Way ku mahadsanaayeen Hawshaas balse isweydiintu waxay tahay Waxa Madaxweyne Siilaanyo ka hortaagan faro galin toos ah oo uu ku sameeyo Golaha Wakiilada Maadaama Ra’yul Caamka Somaliland ay aaminsan Yihiin in Xukuumadu ay Sabab u ahayd Khilaafka Aqalka Wakiilada.

Si Kastaba ha ahaatee Waxay Amuurtani ina Bari doontaa Shakhsiyada iyo Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed