|

Ciidanka Difaaca Xeebaha Somaliland oo Soo Qabtaty Markab Kalluumaysi

Hagaysa 17.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda kaluumaysiga ee JSL MD  Cali jaamac faarax Buureed ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay markab nooca kalluumaysiga ah oo si khaldan ku soo galay biyo badeedka Somaliland, ka dibna ay gacanta ku dhigeen Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland.

 

wasiirka-cusub-ee-kalluumaysigaMd Buureed waxa uu sheegay in markabkan oo laga leeyahay dalka Masar xiligan lagu hayo baadhitaan, iyadoo la kala hubinayo inuu yahay maraakiibta xaalufisa kheyraadka badaha iyo in kale.

Markabkan oo noociisu yahay kuwa kaluumaysiga ayaa lagu qabtay xeebaha Gobolka Salal, ka dib markii ay isku xeereen oo go’doomiyeen Batalion ka tirsan Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejooog,com

 

Comments are closed