Taliye AMISOM ka tirsan oo lagu maxkamadeynayo Hub iyo Shidaal Musuq-maasuqay
Kampala Feb 17,2014(SDN)-Taliye ka mida ciidamda AMISOM oo la yiraahdo Col Benson Olanya ayaa lagu soo oogay in uu si sharci daro ah Soomaali uga iibiyay hub iyo shidaal ay AMISOM laheyd.
Waxa maxkamada markhaati ahaan ugu waramay laba ka mida ciidamadii AMISOM ee uu taliyaha u ahaa.
Col Ben ayaa lagu soo oogay in uu bixiyay hubka iyo shidaalaka sanadii 2013dii oo uu hogaaminayay mid ka mida guutooyinka AMISOM ee ka soo jeeda dalka Ugaandha.
Eedaha lagu soo oogay taliyaha ayaa ah in uu bishii June ee sanadkii 2013kii kiyoo ku sugan magaalada Jowhar in uu bixiyay hubka iyo shidaalka.
Ciidamada ayaa sheegay in uu shidaalka siiyay haweeney halka uu hubka siiyay nin Soomalai ah.
Taliyaha eedan loo jeediyay ayaan wax sharaxaada siinin sababta uu hubkan iyo shidaalkaba u bixiyay iyada oo aaney dawlada Soomaaliya ka dalban.
Sidoo kale waxaan cadeyn cida ay ahaayeen ninka iyo haweeneyda uu Shidaalka iyo hubka siiyay.
Xaakimkii dhegeysanayay dacwada ayaa sheegay in maxkamadu dib u bilaabi doonto dhegeysiga dacwada bisha 27keeda.
SDN-Kampala
contact@somalidiasporanews