|

Xisbiga Waddani Oo Mudaharaaddo Dalka Ka Qaban Qaabinaya iyo Ujeeddada ay Ka Leeyihiin

Hargeysa:17-Feb-2014(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Wada Qabanqaabada Mudaharaad Ballaadhan oo uu Dalka ka qabto Maalinta Berri ah.

wadaaniSida ay Qurbejoog.com u sheegeen Madax sare oo ka Tirsan Xisbiga Waddani, waxa Shirar hoose uu xisbigu ku jirey lagu Go’aansaday in Maalinta Berri ah la qabto Mudaharaad Ballaadhan oo u jeeddadiisu tahay  sidii looga Hortagi lahaa Gardarrada Madaxtooyadu ku Hayso Kursiga Guddoomiye Cirro.

Mudaharaadkan ayaa Xisbigu ku Talo galay inay isu soo Baxaan Dhammaan taageerayaashiisa ku sugan Gobolada Dalka oo dhan si ay u muujiyaan Waxa ay Rabaan ee ah In madaxtooyadu ka Dayso Farogelinta Golaha Wakiillada ay ku Hayso.

Dhaqdhaqaaqyo xisbigu waddo oo arrintan loogu Diyaar garoobayo ayaa laga Wadaa Guud ahaanba Goboladda dalka, waxana ilaa iyo Shalay la Shirinayey Garabyada Dhallinyarada, Haweenka iyo Xubnaha kale ee Firfircoon ee Xisbigu leeyahay, iyagoo isku Wacyigelinayey sidii ay U Muujin lahaayeen Cududooda Taageero ee Dalka.

Sidoo kale waxa si xawli Hargeysa uga socda  munaasibado Hoose oo Dhallinyarada Taageerta Xisbiga loogu qaybinayo Astaamahha kala Duwan ee Xisbiga, waxana la Filayaa inay dhacaan mudaharaado abaabulan oo shucuurta Taageerayaasha xisbigu dibadda ugu soo Baxdo.

Xukuumadda ayaan iyadu wali ka war haynin  Tallaabooyinkan ay Xisbiga waddani ku abaabulayaan Taageerayaashooda, waxana laga Yaabaa inay is Hortaagaan Dalab laga Yaabo inuu Xisbigu maanta u Gudbiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha si uu u xalaalaysto Isu soo Bixiisa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed