Ra’isal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somalia oo Lugtii Labaad ee Socdaalkiisa ku Gaadhay Dalka Jabuuti iyo Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ku laabtay
Jabuuti 16.Feb 2014 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti isagoo ka duulay dalka Itoobiya oo uu ku sugnaa beryihii la soo dhaafay.
Dhiggiisa Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil iyo wasiirro Jabuutiyaan ah ayaa raysul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay dalka Jabuuti.
Raysul wasaare Cabdiweli ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta labo maalmood ku joogi doona dalka Jabuuti, isagoo kulamo la qaadan doona madaxda dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Waxay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo doorka ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.
Raysul wasaare Cabdiweli waxaa booqashadiisa ku wehliya wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka warfaafinta, Mustaf Dhuxulow, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Siciid Maxamed Qorsheel iyo wasiiru dowlaha gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.
Geesta kale Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta oo Axad ah dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddadii uu ku sugnaa dalka Turkiga uu la kulmay qaar ka tirsan madaxda dalkaas, isagoo uga warbixiyay mas’uuliyiinta uu la kulmay xaaladda dalka .
Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dhowaan billaaban doono howlgal milateri oo ka dhan ah Al-Shabaab, wuxuuna rajo ka muujiyay in bilaha soo socda dalka laga sifeyn doono maleeshiyada Al-Shabaab.
Jabuuti SDN.
Qurbejoog.com