“Wuxuu Saylici Og Yahay Siilaanyo Wuu Og yahay Mana aha in Ummada la isku Kala Feeraariyo” Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale {DHAGAYSO}
Hargaysa 16.Feb 2014 (SDN)- Wasiirkii Hore ee Wasaarada Warfaafinta Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Maanta Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ku eedeeyay in Gurigiisu noqday Mid Lagu Hadimeeyo Qaranka Somaliland isla markaana uu ku Xadgudbayo Qawaaniinta Dalka.
Waxa uu Boobe Yuusuf Ducaale Hoosta ka Calaamadiyay in Dharaaro dhow uu Khal khalka Golaha Guurtidu ku Xigi doono ka Golaha Wakiilada Haatan ka Dhex Jira Waxaanu Xusay inay Jiraan Mudanayaal Gar diid ah,Waxaa kale oo uu Shacabka Somaliland Xaal ka Siiyay Hadalkii ay labada Garab ee Golaha Wakiiladu ku Sheegeen inay Heshiin Waayeen taas oo Gef ku ah Sida uu Yidhi Ummada Somaliland oo Isu Tanaasul ku dhamayn jirtay Muran kasta oo Yimaada .
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalka Boobe Yuusuf Ducaale
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Boobe16Feb.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com