Garabka Taageera Xukuumada ee Golaha Wakiilada oo Weli aanay u Qudh Qudhsanayn Ergada Guurtida iyo Go’aanka ay Taagan Yihiin {DHAGAYSO}
Hargaysa 16.Feb 2014 (SDN)- Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Golaha Wakiilada ayaan Weli ku Qanacsanayn ergada Guurtida ee uu hogaaminayo Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe ee Isu Xil qaamay inay soo afjaraan Khilaafka ka Dhex aloosan Aqalka Wakiilada.
Mudanayaashan ayaa ka Hordhacaya Qaraarka ka soo Bixi doona Hawsha Dhex Dhexaadinta Waxaanay ku doodayaan in Mooshinkii ay Gole Weynaha Horkeeneen uu sidiisii Yahay .
Xildhibaanada ka soo Hor jeeda aragtidan ee Taageeran Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Iyagu Cadeeyay in Go’aan kasta oo ergada Guurtidu u Keento ay Aqbalayaan.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalada Mudanayaashan
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XildhibaanadaKul16.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com