|

Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo Lagu Wado Inuu Saaka U Ambabaxo Dalka Djibouti Xilli Xasan Sheekh Dibadda Ku Maqan Yahay

Addis Ababa:16-Feb-2014(SDN)-Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiweli sheikh oo Safar muddo qaatay ku jooga Ethipia ayaa lagu wadaa inuu saaka u duulo Dalka Djibouti.

caddiweli sheekhAfhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa intii ay joogeen Addis Ababa  ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta dowladda Ethiopia oo uu ku jirro ra’iisal wasaare Hailemariam Desalegn, iyagoo ka wada Hadlay Arrimo door ah ay ka mid yihiin ciidanka Ethiopia ee Haatan ku Biiray AMISOM.

download

 

Wuxuu sheegay in wax yaabaha ay ka hadleen in ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada iyo dagaalka lagula jirro Al-Shabaab oo la filayo inuu Toddobaadyada soo Socda Kor u sii kaco.

Mar la weydiiyay ra’iisal wasaaraha iyo wafdigooda halka ay uga sii gudbi doonaan Ethiopia, wuxuu sheegay in saaka ay ku wajahan yihiin dalka Jabuuti, oo ka mid ah waddamada ciidamada ku deeqay howgalka Midowga Afrika, wuxuna intaas ku daray  in ra’iisal wasaaraha  kala hadli doono madaxda dalka Jabuuti arrimo badan oo ay ka mid tahay dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.

Mar la weydiiyay waxyaabaha sababay in ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha oo labada mas’uul ee ugu sareeya dalka in ay ka maqan yihiin.

Wuxuu sheegay in arrintaas wax dhib aaney keeni karin, “Ma aha arrin dhib badan keeneysa ama in ay wax halaabaan” ayuu yidhi afhayeenka ra’iisal wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed.

 

Ra’isal wasaaraha ayaa laga Yaabaa inuu kulamo dalkaas kula Yeesho Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxana la filayaa in Kulankooda Kadib Faahfaahin dheeraad ah laga Bixiyo Natiijada Dambe ee ka Dhalata.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed