|

Ra’iiusl Wasaare Cabdiweli oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga ee dalka Ethiopia.

Addis Ababa 15.Feb .2014 (SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Ethiopia General Samora Muhammad Yunis kadibna waxaa uu Ra’iiusl Wasaaruhu booqasho ku tagay Warshadda Weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC).

Kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Taliyaha ciidanka xooga dalka Ethiopia ayay ka wada hadlayeen xoojinta amaanka iyo dib u xoraynta goobaha ay wali dalka kaga sugan yihiin kooxaha nabaddiidka ah, waxaana kulankan uu qayb ka yahay 3 maalmood oo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli uu booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Addis Ababa ee Ethiopia.

Dhanka kale waxaa uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdigiisu ay booqasho ku tageen mid kamid ah xarumaha ay leedahay warshadda weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC), taasi oo qabata howlo kala duwan oo ay kamid yihiin samaynta qalabka baabuurta, baabuurta ciidanka iyo rasaas..

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed