|

Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Qaraar Ingiriisku Soo Saaray iyo Xayiraadii Tvga Universal

Hargaysa 15.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyey arimo ay ka mid yihiin xannibaadii la saaray TV-ga Universal iyo go’aanka dawlada Britain kaga dalbatay muwaadiniinteeda inay ka soo baxaan Dalalka geeska Somaliland iyo Somalia

Cukuse2Wasiirka  oo ka hadlayey arinta baaqa ah ee ay dawladda Britain kaga hadashaya ammaanka dalka JSL ayaa wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay dawladda Britain iyo bulshada caalamka inteeda kaleba u sheegayso in wadankan Somaliland yahay deegaan nabdoon oo sharciga iyo qaanuunku ka shaqeeyaan, dawlad sal adag oo rayid ahina ka jirto.

Md Cukuse waxa uu sheegay in dawladda Britain uu xidhiidh qotto dheeri kala dhexeeyo dalkan JSL isla markaana ay dhankooda ixtiraamaan nadaamka iyo dawladnimada ka jirta Dalkan, oo aanay isku khaldin waxa maliland iyo dalka aanu jaarka nahay ee Somalia.

Dhanka saxaafadda xorta ah  iyo farogelinta uu Television-ka Universal ku hayo qaddiyadda Somaliland isagoo ka hadlayey wasiirka wasaaradda warfaafintu waxa uu sheegay in Somaliland ay u dulqaadanayso saxaafadda xorta ah ee reer Somaliland, sidoo kalena ay maxkamad la tiigsanayaan TV-ga universal ee laga leeyahay dalka aynu jaarka nahay ee Somalia kaasoo caadaystay xumo ka sheega qaddiyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in TV-ga Universal uu si qaawan ula soo taagan tahay cadaawad uu u hayo Shacbiga iyo dawladnimada Somaliland, xukuumad ahaana ay talaabooyin adag ka qaadayaan TV-gaasi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Go’aan Hor leh

Comments are closed