Hay’ada Shaqaalaha Dawlada oo Hakisay Imtixaan ay ka qaadi lahayd Shaqaale ay Wasaarada Arrimaha Guduhu Qaadan lahayd
Hargaysa 15.Feb 2014 (SDN)- Hayada shaqalaha dawlada ayaa maanta dib u dhigtay imtixaan ay ka qaadi lahayd shaqalihii ay qaadanaysay wasarada arimaha gudaha somalilnd.
Gudoomiyaha hayada shaqalaha dawlada Md Nuux Shuukh Muusu Decaale ayaa maanta mar uu saxafada la hadalyayeuy waxa uu sheegay in dadka CV-yada u soo xeraystay boosaska shaqo ee ka banaan wasarada arimaha gudaha ay gaadhayaan tiro aad u badan oo gadhaysa ilaa 4000. Oo qof halka looga baahnaa 40 qof oo shaqale ah oo keliya, sidaa awgeedna ay hayada shaqaalahu ay go’aan satay in si habsami ah ay u kala saarto shahadooyinka iyo dukmanteriyada ay tirada intaa leegi soo xeraysataan taasina ay keentay in mudo kooban dib loo dhigo imtixaamka oo markii hore loo mudeeyay in uu maanta qabsoomo.
Gudoomiyuhu waxa uu shaaciyey in imtixaamku qabsoomi doono maalinta isniinta ah ee fooda inagu soo haysa oo ay taariikhdu noqonayso 17/02/2014}
Dhanka kalena gudoomiyaha hayayda shaqalaha dowlada ayaa dhalin yarada shaqo doonka ah ugu baaqay in ay nasiib kooda ka qaadaan imtixaamka tartanka loogu jiro iyadoo gudoomiyuhu u rajeeyey nasiib wanaag iyo guul dhalinyarada u tartamaysa boosaska shaqo ee ka banaan wasarada arimaha gudaha.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com