Madaxweynaha Soomaaliya oo ku waayay kalsoonida beesha Caalamka cagajugleyntii loo geystay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Yusur Abrar
Muqdisho Feb 15,2014(SDN)-Warbixin dheer oo ay qortay wakaalada Wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ka dib markii ay isu dhegeysatay eedihii ka soo yeeray Yusur Abrar iyo isdifaacii Madaxweyne Xasan Sheekh in ay ku qanceen eedaha Yusur Abrar.
Yusur Abrar oo heysay xilka Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Soomaaliya Todobo todobaad uun ayaa iska casishay xilkaasi ka dib kolkii sida ay sheegtay culeys lagu saarey in ay ansixiso dalabaad la damacsanaa in lagu lunsado hanti Soomaaliyeed.
Abrar oo ah khabiir dhanka Baananka oo ku xigeen ka soo aheyd Citi bank ayaa sheegatay in la taliyaha madaxweynaha Muuse Ganjab iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Fowsiya Xaaji Aadan ay culeys ku saareen sidii ay u sexeexi laheyd heshiis shirkad Mareykan ahi dib ugu soo celin laheyd hanti Soomaaliyeed oo taala Baanan caalemi ah.
Heshiiskan oo uu ka soo shaqeeyay Muse Ganjab ayaa u fasaxayay in shirkada Shulman Rogers oo Mareykan ahi hantida soo dhiciso ka dibna ay khidmad siiso Muuse Ganjab inta kalena Baanka dhexe lagu shubo.
Ka dib iscasilaadii Yusur Abrar ayaa wakiilada Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo kalsooni ay ku qabeen madaxweynaha Soomaaliya awgeed dalalkoodu Soomaaliya ugu deeqeen $2.5 Billion dollars waxa ay kulan xasaasi ah la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaaney madaxweynaha u sheegeen in ay aad uga xun yihiin sida loo maareeyay arrinta hantida Soomaaliya iyo caga jugleynta Guddoomiyihii hore ee Baanka Soomaaliya.
Sida ay Reuters warbixinteeda ku sheegtayna Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku difaacay in aanu waxba ka ogeyn culeyska la saaray Yusur Abrar isla markaana aanu u cagajugleyn.
Reuters waxa ay sheegtay in masuuliyiin ka qeybgalay kulanka madaxweynaha iyo Wakiilada reer Yurub ee xaruntoodi tahay Nairobi in ay aamineen eedaha Yusur Abrar.
Reuters ayaa sheegtay in ay isku deyeen in ay wareystaan gebi ahaanba masuuliyiinta ay Yusur Abraar eedaha caga jugleynta iyo lunsiga hanti ku eedeysay balse ay diideen.
Shulaman Rogers ayaa dhankeeda Reuters u sheegtay in aaney waxba ka ogeyn in qeyb ka mida hantida Soomaaliya ee ay soo dhicinayeen khismad laga sii goosanyay.
Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa warbixin uu siiyay Gollaha Amaanka waxa uu ku sheegay iscasilaada Yusur Abrar “jug gaadhay kalsoonida deeq bixiyeyaasha”.
Guddoomiyihii hore ee Banka Soomaaliya Yusur Abrar ayaan wax faahfaahin ah ka bixin cida u hanjebtay iyo sida la doonayay in hantida loo lunsado.
Waxa ay ku gaabsatay uun in ay qaadan keri weyday in shakhsiyaad dalaalaan heshiiska dawlada iyo Shulman Rogers iyo in loo hanjebo.
Xubnaha Beesha caalamka ayaa u sheegay Reuters in sida qura ee uu madaxweynaha Soomaaliya kula soo noqon karo uun in uu wax ka qabto musuq maasuqa.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com