|

Taliyaha Ciidanka Dawlada Soomaaliya oo beeniyay in hub laga musuqmaasuqay ciidanka

Muqdisho Feb 15,2014(SDN)-Taliyaha ciidanka dawlada Soomaaliya ayaa beeniyay warbixin ay dhawaan shaacisay wakaalada wararka ee Rueters oo sheegtay in hub Soomaaliya soo iibsatay ay masuuliyiin dawlada ka tirsani Shabaabka ka iibiyeen.

Taliyaha ciidamada Gen Daahir Aadan Cilmi waxa uu sheegay in Warbixinta ay Rueters daabacday aaney dhab aheyn.

Rueters ayaa daabacday warbix horu dhaca oo ay diyaariyeen Kooxda QM u qaabilsan la socodka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea oo sheegay in la taliyaha Madaxweynaha iyo wasiir ka mida xukuumadu ay nidaam qabyaaladeed Shabaabka hub ku siiyeen.

Taliyaha Ciidamada ayaa sheegay in kolkii ay kooxda la socodka cunaqabateynta Soomaaliya booqdeen goobaha hubka ciidamadu yaaliin ay arkeen in hubku uu gebi ahaanba halkaa yiilay.

Soomaliya ayaa sanad ka hor laga khafiifiyay cunaqabateynta hubka ee dalka saarneyd ilaa sanadii 1993dii.

Warbaahinta caalamka ayaa aad iyo aad u hadal heysay in masuuliyiin dawlada ka tirsani ay hub ka iibiyeen kooxda Al Shabaab.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed