Ujeeddada Safar Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Uu Galabta Ugu Amba Bixi Doono Dalka Ingiriiska
Hargeysa:15-Feb-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa Lagu Wadaa inuu Maanta u Baqoolo Safar Dhinaca waddanka Inigriiska ah.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaan wali wax faahfaahin ah laga Bixin safarkiisa, waxase la Sheegay inuu Halkaas ku Tegayo Martiqaad uu ka Helay Dhinaca Dawladda Ingiriiska.
Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu sii Amabaqaado Mashaariic Horumarineed oo Kooban oo uu hore ula Galay shirkado laga Leeyahay Ingiriiska.
Wasiir Maxamed Biixi ayaa toddobaadkii dhawaa ka soo laabtay safar muddo qaatay oo uu ku tagay Dalal ku yaala Galbeeda Afrika, halkaas oo uu ku soo indho indheeyey qaabka ay shirkadda Balore oo wadahadal u socdaa ay u maausho Dekeddaha Dalalkaasi.
Bixintaanka Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu dhaco Galabta, waxana laga Yabaan inuu Markaas Saxaafadda Kula Hadlo Garoonka.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com