Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Saacadaha Soo Socda Lagu Wado Inuu Muqdisho Ka Soo Dego
Muqdisho:15-Feb-2014(SDN)-Sida ay sheegayaan Wararka Saaka Ka Soo Baxaya Aqalka Madaxtooyada Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la Filayaa inuu Saacadaha Soo Socda Ka Soo Dego Garoonka Aada Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ku maqnaa Socdaal oo markii hore u jeeddadiisa la Shaacin oo uu ku Tegay Dalka Turkiga, waxana qabanqaabada Soo Degitaankiisa laga Dareemayaa Guud ahaanba Magaalada Muqdisho.
Saacaddan La Joogo waxa Garoonka Ku sugan ciidanka Baambeyda, kuwaasoo ka qayb qaadanaya soo dhaweynta madaxweynaha, waxana sidoo kale wadddooyinka Lagu Daadiyey Ciidamo Xooggan oo aan hore loo arki jirin.
Ma cadda in madaxweynaha uu la hadli doono saxaafadda iyo in kale, in kastoo saxaafadda ay ku sugan tahay garoonka.
Madaxweynaha ayaa horre u sheegay in uu dalka Turkiga u aaday booqasho gaar u ah isaga oo ay ka mid tahay in uu soo arko xaaskiisa iyo carruurtiisa oo ku nool dalkaas.
Hadallo Saxaafaddu dhawaan ka Qortay oo ahaa inuu Geeriyooday ayaa laga Yaabaa inuu Mar kale ka Jawaabo, waxana uu Fidinta Warkaas ku Eeedeeyey cid uu sheegay inay Somalia Cadow ku Tahay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com