|

Haweeney Soomaali ah oo New Zealand duyuurad ku afduubtay oo racfaan lo diiday

Christchurch Feb 14,2014(SDN)-Haweeney Soomaali ah oo duyuuad ku afduuubtay dalka New Zealand oo lagu riday xukun sagaal sanadooda ayaa haatan dalbatay racfaar.

Caasha Cali Cabdule 00 39 jir ah ayaa sanadii 2008dii dunida ka yaabisay kolkii ay dhawr toorey damacday in ay ku afduubto duyuurad rakaab.

Xarigeeda oo ku eg sanada 2017ka ayay haatan Caasha dalbatay in la sii daayo haatan,balse guddi loo saaray racfaanka ayaa sheegay in Caahi ay khatar ku tahay nabada New Zealand.

Dhaakhaatiir loo saaray xaaladeeda maskaxeed ayaa sheegay in Casha ay weli tahay ruux maskaxda looga jro isla markaana ay khatar ku tahay nafteeda iyo ta cid alba oo kale.

Dhakhaatiirta ayaa sheegtay in horaantii xabsiga ay kala kulantay dhibaatooyin faro badan balse haatan waxa la sheegay in ay Caasha cabdile la qabsatay xabsiga isla markaana ay ku dedaaleyso in ay nolosheeda caadi.

 

SDN-ChristChurch

CONTACT@SOMALIDIASPORANEWS.COM

Comments are closed