Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. (Sawiro)
Adis Ababa Feb 14,2014(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin qaar ka tirsan Xukuumaddiisa oo galabta kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray caawa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaarah garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid Addis Ababa, waxaa uu qayb ka yahay booqasho rasmi ah oo uu ku marayo Ethiopia iyo Djibouti iyadoo Wafdiga Ra’iiusl Wasaaraha ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale.
“ Socdaalkan aan kusoo gaarnay dalka Ethiopia waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo la dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhqaalahu ay kamidka yihiin.” Ayuu u sheegay arbaahinta Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
“ Ethiopia waxaa ay kamid tahay dalalka dariska ah ee qaybta ka ah howlgalada Amisom ee xasilinta amniga iyo la dagaalanka xagjirka, waxaa la gaaray xilligii aan sii xoojin lahayn howlgallada ay iska kaashanayaan dawladda iyo dalalka dariska ah si loo soo afjaro kooxaha Nabad-diidka ah ee cadawga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, Gobolka iyo guud ahaan caalamka.” Ayuu intaas raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalinta barri ah kulan la qaadan doona mas’uuliyiinta dalka oo uu kamid yahay Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Mas’uuliyiinta kale dalka qaarkood.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com