Safiirka Wareega ee Somaliland oo Jawaab ka bixiyay Britain oo sheegtay in aan la booqan
Waa Nasiib darro aad u weyn in UK ay Somalliland oo ah Qaran nabadgelyadiisu ay sugan tahay oo aan fal argagixiso ka dhicin ilaa Bishii Oktoobar ee sanadkii 2008kii ay maanta la meeqaam dhigto Dalka Soomaaliya oo Qaraxyo joogto ahi ay ka dhacaan maalin kasta.
Waxaad moodaa inaan xukuumada Britain aanay waxba ka baran digniintii ay bishii February ee Sanadkii 2013 ay Somaliland ku sheegtay in falal argagixiso kusoo fool leeyihiin, taasi oo aan dhicin, wax qaraxyo ahina aanay ka dhicin Somaliland.
Kalsooni buuxdi ayaanu ku qabnaa Amaanka Somaliland, waxaana aanu leenahay Ciidamo kala duwan oo habeen iyo maalinba gaadh ka haya amaanka Somaliland, waxa kale oo aanu leenahay Shacab wadaniyiin ah oo dawladooda si dhow ugala shaqeeya Amaanka dalkooda, ishana ku haya cidii falal argagixso ula timaada.
Alshabaab iyo Alqaacidaba way ogsoon yihiin in Shacabka Somaliland ay gacan bir ah ku qaban doonaan hadii ay Somaliland mar kale kibir ula yimaadaan sidii dhacday bishii Oktoobar 2008 oo argagixisadu ay weeerar fulaynimo ah kusoo qaaday Somaliland.
Shacabka Somaliland iyo Xukuumadiisana waxaa la gudboon inay mar kale guntiga dhiisha isaga dhigaan siina laban-laabaan Adkaynta Nabadgelyada kana hor tagaan wax kasta oo wax u dhimi kara degenaanshaheena.
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed