|

Dawlada Britain oo ka digtay Booqashada Soomaaliya oo Somalilandna ay ku jirto

London Feb13(SDN)-Dawlada dalka Britain ayaa ku celisay digniin ah in aaney muwaadiniinteedu tegi Soomaaliya iyo Somaliland kuwa haatan ku sugana ay isaga baxaan.

Britain ayaa digniintan ku saleysay khataro ay sheegtay in ay ka imanayaan kooxaha xagjiriinta ah oo iclaamiyay weeraro ka dhan ah reer Galbeedka ku sugan Soomaaliya.

Digniinta ayaa lagu sheegay in weerarada xag jiriintu in ay noqon karaan qaar aan loo meeldeyin oo ka dhici kara goobo kulamo ay ka dhacayaan oo ay joogi karaan masuuliyiin dawlada ka tirsan ama ay tahay goob reer Galbeedku booqdaan.

Digniintan ayaa ku soo beegmeysa weerar maanta ka dhacay duleedka garoonka Aadan cade ee magaalada Muqdisho oo ay sheegteen kooxda Al Shabaab.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed